Dowladda Norway oo joojin doonta Carruurta Soomaalida ee fasaxooda Qur’aanka ku soo barta Soomaaliya

Iyadoo ay in ka badan 40,000 oo Somali ah ku nool yihiin dalka Norway waxay Waalidiinta Soomaalida ka walaacsan qorshe ay Dowladda Norway ku joojinayso inay Waalidiinta Carruurtooda u soo kaxeeyaan Somalia, si ay ugu soo bartaan Qur’aanka Kariimka iyo Tarbiyadda Islaamka.

Shabakadda spuntiknews.com ee laga leeyahay dalka Raashiya oo Warbixin dheer ka qortay Tallaabooyinka ay Dowladda Norway ku hor joogsan doonto Waalidiinta Muslimiinta ee doonaya inay Carruurtooda u kaxeeyaan dalakooda hooyo si ay u soo bartaan Qur’aanka Kariimka.

Shabakddu waxay tilmaamtay inay Dowladda Norway ballan qaaday inay ka hortegi doonaan arrintaasi, waxay ku hanjabtay inay Baasaboorada kala laabanayso Carruurta , si looga hortago inay ka dhoofaan dalka Norway.

Qoysas badan oo Somali-Norwegian ayaa rumeysan inay Carruurtooda noqdeen kuwo aan ku adadkayn Diinta Islaamka loona baahan yahay si looga hortago arrintaasi in Carruurta loo diro Somalia si ay u soo bartaan Qur’aanka Kariimka, kadibna ay ku soo laabtaan dalka Norway.

Warbaahinta Qaranka Norway ee NRK ayaa soo bandhigtay Warbixino badan iyo Wareysiyo la sheegay in lala yeeshay Carruurta Soomaalida oo u badan  kuwa ku jira Da’da Tobanaadka (Teenagers)-ka oo sheegay in marka lagu celiyo Somalia  la geeyo Dusgiyo Qur’aan iyo Xarumo Dhaqan-gelin, oo ay kala kulmaan cannaan, garaacid, Jeydalayn iyo in gacmaha iyo Qoobabka looga xiro silsilado, waa sida ay baahisay Warbaahinta NRK.

Sidoo kale, Haweeneyda Ra’isul-wasaaraha ka ah dalka Norway, Erna Solberg ayaa ku baaqday in la xoojiyo dadaalka  looga hortagayo Carruurta laga dhoofinayo Norway, si loo geeyo Dugsiyadda lagu barto Qur’aanka, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale, Fahad Qureyshi oo ah Pakistan Norwegian, madaxna ka ah Ururka Islaam.Net ayaa ka hor yimid Eedeymahaasi, wuxuuna beeniyey in Carruurta la jir-dilo marka ay Qur’aanka ku baranayaan dalalkooda hooyo.

Isagoo la hadlayey Wargeyska ABC Nyheter ee ka soo baxa dalka Norway waxa uu sheegay inay dhamaan Waalidiinta xaq u leeyihiin inay Carruurtooda korsadaan, iyagoo asaas uga dhigaya Qiimahooda Khaaska ah.

Wuxuu kaloo ku baaqay in Waalidiinta Muslimiinta loo oggolaado inay carruurtooda la dhoofaan, si ay u soo bartaan Qur’aanka Kariimka ee ay Caqiido ahaan u rumeysan yihiin.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media