(Dhegeyso): Dowladda Norway oo Hooyo Somaliyeed kala wareegtay Ubadkeeda.

Hooya Somaliyeed oo dalka Norway ku noolayd tan iyo sannadkii 1996-dii  ayaa iminka ka cabanaysa ubadkeeda oo ay kala waregtay Dowlada Norway.

Samiira Axmed Kheyre  oo la hadashay Radio Dalsan ayaa sheegtay in 2 bilood ka hor lagala wareegay  canugeeda oo hal bil jir ah, iyadoo umul ku jirta.

Waxay intaasi ku dartay in markii ilmaheeda laga qaadanayey lagu eedeeyey inay dayacday mas’uuliyadda cunuga yar, balse aysan waxba ka jirin eeddaasi.

Dhinaca kale, Hooyo Samiira Axmed Kheyre waxay Wareysigeeda ku sheegtay in loo diiday inay Ehelkeeda soo booqdaan, waxaana laga xayiray inay la kulanto Ehelkeeda iyo Asxaabteeda.

“Mas’uuliyadda ilmahayga ayey igala wareegeen, waxaana qabsaday Qareen si la iigu soo celiyo Ilmahayga” ayey tiri Samiira Axmed Kheyre.

Mar wax laga weydiiyey xilliga ay tegtay dalka Norway, waxay xustay inay Qaxooti ahaan ku gashay sannadkii 1996-dii oo haatan laga joogo 20-sanno.

Halkan ka dhageyso Samiiro Axmed Kheyre oo lahadashay Redio Dalsan:

Hooya Somaliyed

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor