Dowladda Murutaaniya oo nidaaminayso Dugsiyadda lagu barto Qur’aanka Kariimka.

Ra’isul-wasaraaha dalka Murutaniya, Yaxya Walad Xadmiin ayaa sheegay inay Sharci Cusub ka soo saareen Dugsiyadda lagu barto Qur’aanka Kariimka, wuxuuna sheegay in laga guuray Dugsiyadda ku salaysan Habka Dhaqameedka, lana nidaaminayo Dugsiyaddaasi.

Waxa uu tilmaamay inay Dowladda dhisi doonto 16 Dugsi oo casri ah oo lagu baranayo Qur’aanka, wuxuuna sheegay in Bangiga Horumarinta Islaamka maalgelin doonaan Dugsiyadaasi oo la dhisayo sannadkan gudihiisa.

Hadalkan ayaa yimid, kadib, markii ay Dowladda dhowr isbuuc ka hor albaabadda u laabtay Malcamadaha lagu barto Qur’aanka oo la sheegay inaysan Dowladda  ka haysanin Fasax Shaqo.

Sheikh Maxamed xasan Walad Aldadu ayaa cambaareeyey Tallabadaasi, wuxuuna sheegay inay wax u dhimayso Dhalashadooda iyo Caqiidadooda.

©Radio Dalsan