Dowladda Masar oo Somaaliya ka hirgelin doonta Mashruuc dhinaca Beeraha

Wasiirka Beeraha ee dalka Masar, C/muncim Al-banna ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu dhigiisa Somalia, Saciid Xuseen Ciid kula kulmay magaalladda Qaahira.

Kulankaasi waxaa looga wada hadlay qaababka ay labada Dowladood isaga kaashan karaan horumarinta wax-soo-saarka Beeraha iyo Xoolaha.

Wasiirka Beeraha ee dalka Masar, C/muncim Al-banna waxa uu tilmaamay inay Somalia u soo diri doonaan Guddi Farsamo oo soo qiimeeya sidii loo hirgelin lahaa Mashruuc dhinaca Beeraha oo ku fadhiya 200 oo Hektar.

Waxa kale oo uu sheegay in Guddigaasi imaan doonaan Muqdisho, marka ay DFS dhinaceeda ka soo dhamaystiro qotshaha Mashruucaasi.

Wasiirka Beeraha Masar waxa uu tilmaamay  in la kordhin doono Khubarada iyo Cilmi-baarayaasha Beeraha iyo Dhakhaatiirta Xoolaha ee Somalia, kuwaasi oo lagu tababari doono Xarunta Caalamiga ee Beeraha Masar.

Dhinaca kale, Wasiirka Beeraha ee Somalia, Saciid Xuseen Ciid oo ka hadlay Kulankaasi ayaa soo dhaweeyey Iskaashiga dhinaca Beeraha ee Masar  ee lagu horumarinayo Beeraha.

Si kastaba ha ahaatee, Kulanka Labada Wasiir dhex maray waxaa lagu go’aamiyey in la dhiso Guddi Isku-dhaf ah oo u qaabilsan dhinacyada Fulinta iyo Farsamada iyo in la horumariyo Ganacsiga Xoolaha iyo Beeraha ee labada waddan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media