Dowladda Masar oo raalli-gelin bixisay iyo Afduubaha oo noqday Sarkaal Milliteri

Dowladda Masar ayaa raalli gelin siisay Ninka la sheegay inuu afduub ku haysto Diyaarad nooceedu yahay Airbus A320  ee ay leedahay Shirkadda Egypt Air, taasi oo weli taagan Garoonka Diyaaradaha ee Larnaka ee Jesiiradda Qubrus.

Hadal ka soo baxay Dowladda Masar ayaa lagu sheegay  inay raalli-gelin ka bixinayaa in magaciisa si qaldan loogu sheegay Ninka afduubka geystay inuu ahaa Professor Ibahtim Samah oo ku takhasusay Cilmiga Xoolaha.

Ibrahim Samaha waa uu beeniyey inuu yahay qofka  afduubtay Diyaaradda, wuxuuna sheegay inuu isaga ka mid ahaa Rakaabkii loo oggolaaday inay Diyaaradda ka degaan.

Dhinaca kale, Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qubrus ayaa la soo dhigay in Ninka afduubka ku haysta Diyaaradda lagu magacaabo Seyful-diin Mustafa oo la sheegay inuu yahay Sarkaal ka tirsan Milliteriga Masar.

Xaalladda ayaa la sheegay inay haatan deggan tahay, waxaana weli Diyaaradda lagu haystaa 7 qof, iyadoo dadkii horey loo sii daayey lagu wareejiyey Diyaarad kale, waxayna ku wajahan yihiin dalka Masar.

21 qof oo shisheeye ah ayaa la socotay Diyaaradda Egypt Air, waxaana ku jirat 8 Maraykan, 4 British, 3 Dutch, 2 Belgians, 1 French, 1 Italian iyo 1 Syrian.

 ©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor