(SAWIRO):Dowladda Masar oo loogu baaqay in la sii daayo Wiil Somali oo dhowr bilood ku xiran dalkaasi.

Kooxaha u ololeeya Xuquuqda Aadanaha ayaa ugu baaqay Dowladda Masar in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo Wiil Somali oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Aadan, kaasi oo 17-jir ah.

Ciiddanka Ammaanka ee Masar ayaa la sheegay inay Wiilkaasi qabteen bishii July 6-dii ee sannadkii hore, iyadoo lagu xiray Xarunta dadka  lagu hayo ee Karmoos oo ku taalla magaalladda Labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Aleskandariya.

Youssef AdenXarun u dooda Xuquuqda Qaxootiga oo lagu magacaabo “Centre for Refugee Solidarity” ayaa soo saartay Warbixin Cusub oo ku aadan Wiilka Soomaaliga ee ku xiran Masar.

Caaliya Alqusayn oo ka tirsan Xarunta ““Centre for Refugee Solidarity” ee fadhigeeda dhexe ku yaallo dalka Sweden ayaa u sheegtay Telefishinka Aljazeera in Yuusuf Maxamed Aadan ku xiran yahay Xabsiga Dadka waa weyn, taasi oo ka horimaanayso Sharcuucda Caalamiga iyo Sharciga Dalka Masar.

Waxay intaasi ku dartay inay Ciiddanka Xabsiga ciqaabeen Yuusuf Maxamed Aadan, kana qaateen Mobaylkiisa, iyagoo ku eedeeyey inuu diray Sawirro muujinaya Xaalladda Adag ee ka jirta Unugyadda Xabsiga uu ku xiran yahay.

Dhinaca kale, U-ololeeye Xuquuqda Aadanaha ee dalka Masar oo lagu magacaabo Maxamed Alkashaf ayaa u sheegay Aljazeera Tv inuu Labo Jeer Yuusuf Maxamed Aadan ku booqday Xarunta dadka lagu hayo ee Karmoos iyo inay si caadi ah ugu wada xiriiri jireen Mobaylka, iskuna diri jireen Farriin Qoraaleed, ka hor inta aysan Ciiddanka Ammaanka ka qaadin Mobaylka Yuusuf.

Waxa uu sheegay in uu awoodi kari waayey inuu la xiriiro Wiilka Soomaaliga, kadib, markii loo wareejiyey Xarun dadka lagu hayo oo ku taalla Fagaaraha Taxriie bishii December 3-dii ee sannadkii hore.

“Waxaan isku tijaabinay inaan la xiriirino, balse, Maamulayaasha Xarunta ayaa inoo diiday inaan la kulano Yuusuf Maxamed Aadan” ayuu yiri Maxamed Alkashaf.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar wey ka gaabsatay inay ka hadlaan Xarigga Yuusuf Maxamed Aadan oo isaga la sheegay inuusan haysanin wax Dukumenti Aqoonsi ah, isla markaana uusan ka diiwaan gashnayn Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ku leedahay dalka Masar.

yuusuf maxamed

Xigasho: Aljazeera TV

©Radio Dalsan