Dowladda Masar oo ka hadashay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Degmadda Beled-Xaawo

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Masar ayaa lagu sheegay inay cambaareynayaan weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Beled-xaawo, laguna dilay ku-dhawaad 10-Askari oo ka tirsanaa Ciiddanka DFS.

Qoraalka waxaa lagu sheegay inay Jamhuuriyadda Carabta ee Masar garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed Dib-u-dhiska Hay’adaha Dowladda iyo soo-celinta Ammaanka iyo Deganaanshaha ee dalka Somalia.

Aroornimadii hore ee Isniintii shalay ayaa Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku bilaawday qarax Ismiidamin ah ku qaadeen degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo iyada oo la sheegay in mudo Saacado ah heesteen walow markii dambe ay isaga baxeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media