Dowladda Masar oo halis weyn ku tilmaamtay Saldhig uu Turkiga ka sameesto Soomaaliya

Kaaliyaha Wakiilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Africa u qaabilsan dowladda Masar Muna Cumar ayaa halis ku tilmaamtay Saldhiga Milatari ee Turkiga ka sameysanayo Soomaaliya. Waxa ay sheegtay in Turkey aysan Saaxiib la ahayn Masar iyadoo ku eedeysay in ay garab siiso Waxa loogu yeero Argagixisada.

Sidoo kale Muno,ayaa muujisay walaaca ay ka qabto in Saldhigaasi uu saameyn ba’an ku yeesho Amniga Masar iyo Carabta inteeda kale gebi ahaanba.

Turkiga  ayaa  dhawaan shaaciyay in Madaxweynahooda Raccep Tayyep Erdogan uu xariga ka jari doono Saldhigooda Milatari ee ugu weyn oo ay ku leeyihiin Dibadda kaas oo ay ka sameysteen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde, iyadoona la dhagax dhigay Bishii March 2015 uu ka koobnaan doonaa Dugsiyo Milatari, Bakhaaro lagu keydiyo Hubka iyo Saanadda iyo weliba Dhismayaal Guri.

Dhismaha Xaruntaan ayaa la shaaciyay in uu ku bixi doono lacag gaareysaa ilaa 50 Million oo dollar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media