Dowladda Masar oo cambaaraysay Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Askarta Kenya ee ku sugnaa Gobalka Gedo.

 

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar ayaa lagu cambaareeyey weerarkaasi oo lagu dilay tiro ka mid ah Askarta Kenya ee ku sugnaa Saldhigooda ku yaallay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Bayaanka ayaa lagu sheegay inay Dowladda Kenya la wadaagayaan khasaaraha ka soo gaaray weeerarkaasi, isla markaana ay Dowladda Masar taageero siinayaan Dowladda Kenya si loola dagaalamo Alshabaab.

Dhinaca kale, Bayaanka ayaa lagu xusay inay Dowladda Masar garab taagan tahay Dowladda Federalka Somalia sidii loo sugi lahaa Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia, looguna guuleysan lahaa Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Dowladda Masar waxay ugu baaqday Beesha Caalamka in la iska kaashado dagaal kasta oo wax looga qabanayo Kooxaha khatarta ku ah Ammaanka Caalamka.

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor