Dowladda Mareykanka oo ku gacan-sayrtay qorshihii AMISOM uga bixi lahaayeen Soomaaliya

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay inaysan xilligan munaasab ku ahayn inay AMISOM ka baxaan Somalia, waxayna ka digeen inay Kooxaha Xag-jirka wax u dhimi doonaan Mandiqadda Gobalka, waa sida hadalka loo dhigay.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo lagu magacaabo Wohleris Mariyoon ayaa u sheegay Wargeyska The EastAfrican ee ka soo baxa magaalladda Nairobi inaysan Dowladda Maraykanka rajeyn doonin inay wax Ciiddan AMISOM ka baxaan Somalia bisha soo socota ee December.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Maraykanka diyaar u tahay inay Ciiddanka AMISOM siiyaan Taageero dhinacyadda Tababarka, Dhaqaalaha, Loojistikada iyo Taageeradda La-talinta, si loo dhiso Awoodda Ciiddanka Somalia ee ka garab shaqeeya kuwa AMISOM.

“Annaga ma taageeri doono in hoos loo dhigo Heerkaasi xilligan, iyadoo la fahamsan yahay Walaaca Ammaanka ee sii socda” ayuu yiri Wohleris Mariyoon.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maraykanka taageerayaan Shuruudaha asaaska u ah Dhimista Ciiddanka AMISOM, taasi oo uu xusay inay ku xiran tahay Horumarinta Awoodda Khibradeed ee Ciiddanka Ammaanka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee QM waxay bishii August ee sannadkan soo saareen Qaraarkii tirsigiisu ahaa 2373, kaasi oo lagu muujiyey in ay Dhismista Ciiddanka AMISOM bilaaban doonto dabayaaqada bisha December ee sannadkan 2017-ka.

Taliska AMISOM waxay iyagana dhawaan sheegeen in bisha soo socota 1,000 Askari oo AMISOM ah laga daad-gureyn doono Somalia, iyadoo 1,000 kalena la daad-gureyn doono bisha May ee sannadka soo socda ee 2108-ka.

Sidoo kale, Qeybta ugu dambeysa ee 21,000 Askari ee Ciiddanka AMISOM ka jooga Somalia waxaa laga daad-gureyn doonaa sannadka 2020-ka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media