Dowladda Koonfurta Suudaan oo loogu baaqay Badbaadinta Ganacsatada Soomaalida ku nool dalkaasi.

Danjiraha Somalia u jooga dalakasi, Xuseen Xaaji Axmed Maxamud ayaa ku booriyey Dowladda dalkaasi inay badbaadiyeen Ganacsatada ku nool dalkaasi.xilli ciiddamo fara badan la dhigay qeybo ka mid ah caasimadda dalkaasi ee Jubba.

Danjire Xuseen ayaa Codsigaasi ka sheegay mar uu kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Micheal Chiengjiek Geay.

Danjiraha oo la hadlay Wargeyska Sudan Tribune ayuu sheegay in Kulankaasi lagu xaliyey caqabdaha soo wajaha Ganacsatda Soomaalida ku nool magaallo-madaxda dalkaasi ee  Jubba.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfurta Sudan, waxa uu ku booriyey Muwaadiniinta Soomalida inay ka fogaadaan Fal-dembiyeedyda, sida Tahriibinta Dadka, Xawaaldh Lacagta ama Farsamaynta Lacagaha Been-abuurka.

Haatan, Ganacsatdda shisheeyaha ee ka hawlgala dalkaasi ama Badeecadaha ku iibiya Caasimadda Koonfurt Suudaan iyo qeybaha kale ee dalkaasi waa Shisheeye, badankooda ka soo kala jeeda Uganda, Somalia, Kenya, Ethiopia iyo Sudan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media