Dowladda Kenya oo xaqiijisay inay Dagaalamayaasha Alshabaab muddo ku sugnaayeen duleedka Degmadda Lamu

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta ee dalka Kenya, Robert Kitur ayaa sheegay inay dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ay muddo kooban ku sugnaayeen Tuulladda Basuba ee duleedka Degmadda Lamu, kuna dhow xuduudka Kenya la wadaagaan Somalia.

Isagoo la hadlayey Wakaalaldda Wararka ee XINHUA ayaa sheegay inay heleen Warka ku saabsan Joogitaanka Alshabaab ee Tuulladaasi, oo ay u khudbeeyeen dadka Tuulladda, ka hor intaysan dib ugu laabteen Dhulka Kaymaha ee Boni Forest.

Waxa uu tilmaamay inay adkeynayaan Ammaanka si looga hortago inaysan mar kale Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo laabanin Deegaanadda hoos taga Lamu.

Hadalkiisa ayaa so obaxay kadib, markii in ka badan 80 dagaalyahanno Alshabaab ay Waaberigii hore ee maalinta Sabtiga gudaha u galeen Tuulladda Basuba ee duleedka Degmadda Lamu, iyagoo dadka Deegaanka u sheegay inaysan iyaga colaad u haynin, waxayna ugu baaqeen inay la shaqeeyaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay Alshabaab uga digeen inaysan Boliska iyo Milliteriga Kenya ku wargelinin joogitaankooda.

Qaar ka mid ah Dagaalamayaasha Alshabaab oo ay ugu yaraan saddex Ajnabi ahaayeen ayaa u khudbeeyey dadka Tuullo-jooga, waxayna u sheegeen inuu dagaalkooda ku wajahan yahay Boliska iyo Milliteriga ku sugan Laamu.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor