Dowladda Kenya oo Sheegtay Iney Ka Hortagtay Weeraro Al Shabab ay Ka Fulin Rabeen Waqooy_Bari Kenya

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalka Kenya ayaa sheegay in Ciidamadda Booliska Kenya ay Xalay ka hortageen isku day ay Al Shabab ku doonayeen iney Weeraro uga fuliyan Waqooy_Bari Dalka Kenya.

War Saxafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa lagu Xaqiijiyay in Dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab ay Xalay tageen oo dadka kula hadleen Tuuladda Yumbis oo qayaastii 70KM Dhinaca Waqooyi kaga began Magaaladda Garissa.

Warkasi waxa sido kale lagu sheegay in iska hor imaad uu dhexmaray Ciidamadda Kenya iyo kuwa Al Shabab inkastoo aan lagu sheegay khasaaraha iyo Dad kale oo loo soo xiray Dhacdadasi.

Ku dhawaad 40 Dagaalame oo Al Shabab ka tirsan ayaa La Wareegay Tuulooyin hoostaga Magaaladda Garisa oo ku jirto Tuulada Yumbis lkn Ciidanka Kenya waxa ay sheegen in imminka ay Ciidankooda ammaanka ay xaqiijiyeen.

Bishii April Al Shabab ayaa ku dishay Weerarkii Jaamacadda Garissa ku dhawaad 150 qof oo arday u badnaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor