Dowladda Kenya oo sheegtay in ay dishay rag ka tirsan Al-Shabaab

Warar lagu qoray Warbaahinta ka soo baxda dalka Kenya ayaa lagu qoray in Saraakiisha ciidamada dowladda keny ay sheegeen in ay dileen 14 Dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin kooda deegaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada hoose.

Weerarkaan oo dhacay Sabtidii aan spo dhaafnay ayaa Kenya waxa ay sheegtay in weerarkii Al-Shabaab ay ku soo qaadeen ayna iska difaaceen markii laba gaari oo laga bvuuxiyay waxyaabaha qarxa lagu soo weeraray talikoodii deegaanka Kulbiyow.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa horay waxa ay ugu shaaciyeen Baraha ay Intarnetka ku leeyihiin in weerarkii labaad ay ku qaadeen Fariisinka ciidamada Kenya ee Kulbiyow ay ku dileen ilaa 10,Askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya,balse ay rintaasi beeniyeen Saraakiisha  Ciidamada Kenya