Dowladda Kenya oo sheegtay in Al Shabab ay 4 Qof ku dishay Wajeer

War kasoo baxay ciidamada dowlada Kenya, ayaa lagu shegay in dagaalyahano ka tirsan Al Shabab ay kasoo gudbeen xadka Kenya, kadibna ay dileen Afar ruux, ayna sidoo kale gubeen tukaamo.

Dad goob joogayaal ah ayaa wakaalada wararka ee Reuters ushegay in werarka uu ka dhacay Magalada Wajeer oo 100 km ujirta xadka somaliya uu la leeyahay Kenya.

Taliyaha police-ka Magalada wajeer, ayaa saxaafadda u sheegay in kooxaha hubeysnaa ay dab qabasiiyeen Dukaan yar, oo xiligaasi dadkii lahaa ay ka maqnaayeen goobta ganacsiga.

Mohamed Siyat, oo kamid ah saraakiisha nabad-galyada ayaa shegay in ciidanka ay wadaan baaritaano dhinaca amni xaqiijinta, ayna faafaahin ka bixin doonaan waxyaabaha kusoo kordha howgalladooda.

Ammaanka magaalooyinka xadka Kenya, ayaa faraha ka baxay sida ay aamiinsanyihiin khubarada dhanka ammaanka saadaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor