Dowladda Kenya oo loogu baaqay inay Ciiddankooda kala soo baxaan Somalia.

Dickens Okunda oo ka tirsan Hay’ad u dooda Xuquuqda Aadanaha oo ka dhisan Degmadda Kismu ee Kenya ayaa sheegay inaan la daawan karin Askarta lagu dilay Somalia, wuxuuna ugu baaqay ku booriyey Dowladda Kenya in Ciiddanka Kenyanka laga soo saaro gudaha Somalia.

“Waxaa gacmaha Alshabaab nooga lumay dad badan, codsigooda keliyana waa in Ciiddanka laga soo saaro halkaasi” ayuu yiri Okunda oo intaasi ku daray in loo baahan yahay inay Dowladda Kenya ku baraarugto dhacdadii dhawaan lagu dilay Askarta Kenyanka.

U-ololeeyaha Xuquuqda Aadanaha, Dickens Okunda waxa uu tilmaamay inay Dowladda Kenya samaysay in ku filan Tallaabooyin lagu soo celinayo Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, wuxuuna xusay in la gaaray xilligii Ciiddanka lagala soo bixi lahaa Somalia.

Waxa uu ku taliyey in Kharajka lagu bixinayo Askarta Kenya ka joogta Somalia loo wareejiyo in lagu maalgeliyo Adeegyada Dhaqaalaha, si aysan arrinta u sii xumaanin.

Hadalkiisa ayaa waxa ku soo beegmay iyadoo ay Xarakada Alshabaab soo bandhigeen codadka Askar Kenyaan oo lagu qabtay weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Saldhig ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Ceel-cadde oo 60-km u jirta magaallo-madaxda Gobalka Gedo ee Garbahaarey.

©Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor