Dowladda Kenya oo lagu eedeeyey inay ka dambeyso Dhallinyarradda Soomaalida-Kenyanka  ee la la’ yahay.

Xildhibaan Junet Mohamed oo ka tirsan Barlamaanka Kenya iyo Isbahaysiga ODM,  ayaa soo saaray War Qoraal uu kaga hadlay Dhallinyarradda ay Hay’addaha Ammaanka Kenya xiraan, kadibna aan dib dambe loo arkin.

Xildhibaanka waxa uu Dowladda Kenya ka codsaday inay shaaciyaan halka ay ku dambeeyaan 10-dhallinyarro oo la la’ yahay dhowrki ibilood ee la soo dhaafay.

Liiska magacyadda Dhallinyarradda Somali-Kenyanka la la’ yahay ee uu Xildhibaan Junet Mohamed soo bandhigay  ayaa kala ah: Asha Abdullahi, Yahya Abdukadir Adan, Abdirahman Mohamed Dakani, Jamal Muktar Ali, Abdikadir Mohammed Webi, Mohammed Ali Mohammed, Ali Hassan Mohammed, oo 15-jir ah,  Omar Farah Adow, Ali Omar Hassan iyo  Abdikadir Sheikh Mohammed Dahir oo ah Arday Jamaacadeed oo la la’ yahay.

Dhinaca kale, Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino waxa uu difaacay Saraakiisha Boliska ee lagu eedeynayo inay ka dambeeyaan Dhallinyarradda Soomaalida ee  raqdooda iyo ruuxooda la la’ yahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor