Dowladda Kenya oo ku eedeysay Maraykanka, Britain iyo dalal kale inay taageeraan Hay’addo Kenyatti oo gacansaar la leh Alshabaab

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa lagu sheegay inay  qoraalo cabasho ah u direen Dowladaha Maraykanka, Britain, Norway, Gemany iyo Finland oo ay ugu codsadeen inay joojiyaan taageeradda dhaqaale ee ay siiyaan Ururradda aan Dowliga ahayn ee Haki Afrika iyo Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Muslims for Human Rights Watch.

Qoraalka dowladda Kenya ayaa lagu sheegay inay Labadaasi Ururro Bulsho taageero toos ah iyo mid dadban siiyaan Dhaqdhaqaaqyadda ay Dagaalamayaasha Alshabaabka wadaan Goballadda Xeebta ee dalka Kenya.

Afhayeenka Ergadda Dowladda Britain u jooga dalka Kenya, Stephen Burns ayaa beeniyey eedeymahaasi, wuxuuna xusay inaysan jirin wax looga walaaco labadaa urur bulsho.

Danjiraha Maraykanka u jooga dalka Kenya, Robert Godec ayaa isagana ka biyo diiday dacwadda Dowladda Kenya, wuxuuna difaacay xiriirka ay Dowladda Kenya la leedahay Ururradda Bulshadda Rayidka ee ka hawlgala gudaha dalka Kenya.

Danjiraha waxa uu sheegay inay garab taagan yihiin xuquuqda ay Bulshadda Rayidka u leeyihiin inay si madax bannaan u hawlgalaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor