Dowladda Kenya oo kireysanayso Macallimiin wax ka dhiga Gobalka W/bari, kadib, markii ay Macallimiintioi hore ka baqdeen weeraradda Alshabaab

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa ku sheegay bartiisa Facebook inay Wasaaradda Waxbarashadda kireysan doonto ugu yaraan 800 Macallimiin aan tababar lahayn, si ay uga shaqeeeyaan Gobalka W/bari, halkaasi oo ay ka jirto Nabadgelyo-xumo.

William Ruto ayaa hadalkaasi sheegay kadib, markii uu kulan la qaatay Saraakiisha Wasaaradda Waxbarashadda, Golaha Imtixaanaadka Kenya iyo Hoggaamiyayaassha Siyaasadda ee Soomaalida Kenyanka oo uu hoggaaminayey Siyaasiga Aadan Barre Ducaale.

Waxa uu intaasi ku daray inay Wasaaradda Waxbarashadda kala shaqeyn doonto Madaxda Maamulka Dugsiyadda Gobalka W/bari sidii loo qori lahaa macallimiin, iyadoo la raacayo Nidaamka Shaqo ee Golaha Adeegga Macallimiinta Kenya.

Arrintan ayaa timid, iyadoo ay boqolaal qof maanta dibadbax ka dhigeen Mandeera oo looga cabanayo Macallimiin La’aanta iyo Imtixanaadkii Dusgiyadda oo dib loo dhigay.

Dhinaca kale, inta badan Macallimiinta wax ka dhigi jirtey W/bari ayaa ah Macallimiin aan u dhalanin Deegaanka, kuwaasi oo cabsi darteeda uga cararay halkaasi, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weeraro ka geysteen W/bari Kenya.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor