Dowladda Kenya oo Dukumentiyo been abuur ah u samaysa Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo

Warbixin cusub oo ay soo saareen Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Xayiraadda Hubka ee Somalia iyo Eritrea ayaa ku eedeeyey Maamulka Ahmed Madoobe, Shirkadaha Kenya iyo Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM inay hormuud u yihiin Dhuxusha sida sharci-darradda looga dhoofiyo Dekedda Kismaayo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay sannadkiiba ka helaan macaash dhan 22 Billion oo Kenya Shillings.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay inay Alshabaab iyo Hoggaamiye Kooxeedyo ku sugan Jubbooyinka ay saami ka helaan Kharajka ka soo xerooda Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay Alshabaab ka helaan macaashka saami u dhigma kii ay ka heli jireen, ka hor intaan lagala wareegin Dekedda Kismaayo sannadkii 2012-kii.

Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda Somalia iyo Eritrea, waxay u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee QM Warbixin dheer, oo ay ku sheegeen inay weli Dhoofinta Dhuxusha ka socoto Dekedda Kismaayo iyo meelaha kale ee ay gacanta ku hayaan Ciiddanka Kenya iyo Isbahaysigooda Maleeshiyadda Raas Kambooni iyo Maamulka KMG ee Jubba.

Ganacstadda la shaqeysata Ciiddanka Kenya, Alshabaab iyo Maamulka Ahmed Madoobe ayaa la tilmaamay inay Dukumentiyo been abuur ah u sameeyaan  Shixnadda Dhuxusha ee ay u iib geeyaan dalalka Cumaan, Imaaraadka Carabta iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe.

Dukumentiyadda ay qaataan Maraakiibta ayaa lagu muujiyaa in dhuxusha laga soo raray Dekedaha Jabuuti iyo Mombasa ee dalka Kenya.

Guddiga QM waxay Warbixintooda ku eedeeyeen Dowladda Kenya inay kaalin ka qaadato Dukumentiyadda been abuurka ee lagu dhoofiyo Dhuxusha Somalia.

Madaxda Kenya ayaa sheegay inay walaac xooggan ka qabaan eedeymaha ay Dowladaha Bariga Dhexe ka muujiyeen Dukumentiyadaasi macmalka ah ee loo adeegsado Dhoofinta Dhuxusha Somalia.

Warbixinta ayaa lagu muujiyey inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya qoraal u qortay Ergadda diplomaasiyiintooda joogta Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, oo ku aadan isticmaalka Timbarayaashabeen abuurka ee lagu xaqiijinayo Ganacsiga sharci-darradda ee Dhuxusha Somalia.

Warbixinta Guddiga QM ee Kormeerka xayiraadda Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa lagu soo bandhigay magacyadda 19 Markab oo ka diiwaan gashan dalka Kuwayt iyo saddex Shirkadood oo laga leeyahay dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Inta badan Maraakiibta wata Calanka Hindiya  ayaa loo adeegsadaa dhoofinta dhuxusha laga qaado Dekedda Kismaayo.

©Warqabadka Dalsan Media

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor