Dowladda Kenya oo diyaarinayso Istaraatijiyad ay Ciiddankeeda kala baxayso Somalia

Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee dalka Kenya iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Kenya iyo madax kale oo ka tirsan Barlamaanka Kenya ayaa la sheegay inay shalay yeesheen Shir gaar ah oo ay kaga hadleen Xaalladda Ammaanka ee W/bari Kenya, Weerararadda Alshabaab iyo qorshaha lagu soo celinayo Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Madaxa Guddiga Ammaanka iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka Kenya, Yusuf Haji ayaa ku baaqay Kulankaasi oo ay Madaxda Dowladda iyo Hay’adaha Ammaanka Kenya kaga xaajoodeen sidii Dhallinyarradda looga hor-joogsan lahaa Xag-jirnimadda.

Yusuf Haji oo ah Senatar laga soo doorto Garissa ayaa sheegay inay Dowladda Kenya hayso Istaraatijiyadda ay Ciiddankooda kala soo bixi lahaayeen gudaha dalka Kenya, wuxuuna xusay inay ururiyaan Aragtiyaha ku aadan Istaraajiyaddaasi.

Waxa uu tilmamaay inay Dowladda kala shaqeynayaan sidii qorshahaasi loo hor geyn lahaa Golaha Wasiiradda Kenya.

“Hadafka waa inuu qorshahaasi ku yimaadaa warqad cad, oo lagu faahfaahinayo Istaraatijiyadda sida lagula dagaalami karo Ammaan la’aanta Kenya” ayuu yiri Yusuf Haji.

Waxa uu intaasi ku daray inay Hawlgalka AMISOM kala tashanayaan Qorshahaasi, si loo helo Waddan kale oo ay Ciiddamadooda la wareegaan Deegaannadda ay Ciiddanka Kenya ka soo bixi doonaan.

“Haddii aan la helin ciiddamo bedela kuwa Kenya, waxay horseedi kartaa inay cadowga yeeshaan gacanta sare” ayuu yiri Mas’uulkaasi.

Ciiddanka Kenya waxay sannadkii 2012-kii gudaha u soo galay Somalia, kadib, markii falal lagu afduubtay Dalxiisayaal ka dhaceen Deegaannadda ku teedsan Xeebaha Kenya.

Kadibna, waxay ku biireen Hawlgalka AMISOM, iyagoo Dagaalamayaasha Alshabaab kala wareegay magaalladda Kismaayo.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry oo bishii hore booqday dalka Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay Istaraatijiyad Bixitaan oo Ciiddanka Kenya looga soo saaro gudaha dalka Somalia.

Wuxuuna ugu baaqay Dolwadda Kenya in marka hore laga shaqeeyo deganaanshaha Somalia, ka hor intaan ciiddanka lala bixin.

© Warqabadka Dalsan Radio

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor