Dowladda Kenya oo baarayso haddii ay Daacish ka dambeeyeen Weerarkii ka dhacay Mombasa.

Afhayeenka Dowladda Kenya, Eric Kiraithe ayaa sheegay in la baarayo haddii ay Daacish ka dambeysay weerarkii Axaddii hore lagu qaaday Saldhigga Dhexe Boliska ee magaalladda Mombasa.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan fajac ku ahayn inay Daacish weeraraan Saldhigaasi , balse ay Dowladda Kenya doonayso in laga sal-gaari Sheegashadaasi.

Afhayeenka Dowladda Kenya waxa kale uu tilmaamay inay ku baraarugsan yihiin inay Argagixisadda bedeleen Xeeladahooda iyo inay Haweenka u adeegsadaan Hawlgaladooda Argagixiso.

Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu ugu baaqady Dhallinyarada Kenyanka ee weli ka tirsan Kooxaha Xagjirka inay isku soo dhiibaan Hay’addaha Ammaanka, si looga taageero inay dib ugu soo laabtaan Nolosha Caadiga ah.

Weerarkii isbuucii hore lagu qaaday Saldhigga Dhexe ee Boliska magaalladda Mombasa waxaa fuliyey, laguna dilay 3 gabdhood oo asalkooda la sheegay inuu ka soo jeedo Somalia.

Sidoo kale, Ilaa 2 Askari oo ay ku jirto Haweeney xaamilo ah ayaa lagu dhaawacay weerarkaasi oo lagu gubay qeybo ka mid ah Saldhigga Boliska ee la weeraray.

Kooxda Daacish ayaa horey u sheegatay inay ka dambeeyeen Weerarkaasi oo u muuqda kii ugu horreeyey ee ay Daacish ka fuliyaan gudaha Kenya.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor