Dowladda Kanada oo codkeeda ku biirisay Walaaca Caalamiga ee laga muujinayo qorshaha lagu xirayo Xeradda Dhadhaab.

Hadal Qoraal oo ay si wadajir ah u soo saareen Wasiiradda  Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Kanada, Stephane Dion iyo  Marie-Claude Bibea, waxay ku sheegeen inay Kanada aad uga walaacsan tahay Go’aanka ay Dowladda Kenya ku gaartay inay shaqada ka joojiyaan Waaxda Arrimaha Qaxootiga iyo qorshaha lagu xirayo Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab oo hoy u ah ugu yaraan 600,000 oo Qaxooti u badan kuwo Somali ah.

Qoraalka waxaa lagu booriyey Dowladda Kenya inay xushmeeyaan Sharciyadda Caalamiga ee Qaxootiga iyo inay xaqiijiyaan Badbaadinta Qaxootiga iyo inay helaan Taageeradda Asaasiga ee dhinaca Samafalka

“Dhamaan Qaxootiga dib loo celinayo waa inay noqdaan kuwo iskooda u laabta, iyadoo la raacayo Sharcuuda Caalamiga iyo kuwa Maxaliga” ayaa lagu xusay Qoraalka ay sida wadajirka u soo saareen Wasiiradda  Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalkaasi, Stephane Dion iyo  Marie-Claude Bibea.

Dhinaca kale, Hay’addaha Caalamiga ee Samafalka iyo kuwa Xuquuqda Aadanaha ayaa si kulul u cambaareeyey Qorshaha Kenya ku xirayaan Xeradda Dhadhaab, taasi oo ay ku tilmaameen go’aan meel-ka-dhac ku ah Xuquuqda Aadanaha iyo Sharuucda Caalamiga.

Sidoo kale, Xarakadda Alshabaab ayaa si kulul u beenisay hadal uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ku sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab gabaad ka dhigteen Xeradda Dhadhaab.

Afhayeenka Xarakadda Alshabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” ayaa sheegay inay Dowladda Kenya doonayso inay Qaxootiga ka dhigtaan qalab ay kaga dawarsadaan Caalamka, wuxuuna xusay inaysan Alshabaab marnaba dhufeys ka dhiganin goobaha ay dadka ku nool yihiin.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor