Dowladda Japan oo kharaj ugu deeqday Xafiiska IOM ee Somalia

Dowladda Japan ayaa ugu deeqday 150,000 oo Dollar Xafiiska Hay’adda Muhaajiriinta IOM ku leedahay dalka Somalia,  si loogu kaalmeeyo  Soomaalida ka soo laabanayso dagaalladda ka socda dalka Yemen.

Kharajkaasi ayaa loo isticmaali doonaa in lagu taageero dadka tabarta daran ee ka soo laabanayo Yemen, si ay ugu adeegsadaan Baaritaanka Caafimaadka, Gaadiidka iyo xamuulka.

Ku-dhawaad 9,279 qof o oka soo cararay dagaalladda Yemen ayaa la diiwaan geliyey inay soo gaareen dalka Somalia, waxayna kala yihiin 8,514 Somali, 688  Yemniyiin iyo 77  qof oo dalal kale u dhashay, kuwaasi oo Somaliauga sii gudbaya dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Kaalmadda Dowladda Japan ugu yaboohday Xafiiska IOM ee Somalia ayaa qeyb ka ah Kaalmo dhan 2.4 million oo Dollar oo ay Japan ugu tala galeen Gargaarka Degdegga ee la siinayo IOM iyo Hay’addaha kale ee Caalamiga ee taageerada siinayo Barakacayaasha ku sugan gudaha dalka Yemen iyo dadka kale ee ka soo cararay colaadaha Yemen ee soo gaarayo dalalka Jabuti iyo Somalia,

Madaxa Ergadda Xafiiska IOM ee Somalia, Gerry Waite ayaa Dowldda Japan uga mahad celiyey Yaboohaas Lacageed,oo  IOM ka  taageeri doona kaalmadda la siinayo dadka ka soo laabanayo Yeman.

Xafiiska IOM ee Somalia waxay toddobaadkii hore ka codsadeen Beesha Caalamka kaalmo dhaqaale oo lagu socodsiiyo Adegyadda loo fidinayo dadka ka soo laabanayo dagaalladda Yemen.

 

(C) Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor