Dowladda Japan oo 3 Milyan oo Dollar ugu deeqday gurmadka deg degga ah oo ay Hay’adda UNICEF ka wado Soomaaliya

Dowladda Japan ayaa maaliyad ay deeqsinimo ka muuqato ku biirisey Deeq Gargaarka Degdegga ah, si ay taageerto hawsha UNICEF ee socota ee lagu badbaadinayo nolosha haweenka iyo carruurta ay saameysey abaarta xooggan ee ku dhufatey Soomaaliya. Deeqda 3 milyan ah waxaa lagu maalgelinayaa adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, fayadhowrka iyo nadaafadda iyo nafaqada oo la siiyo qaar ka mid ah bulshooyinka ay sida ugu weyn ay abaartu usaameysey.

Maaliyadda la bixiyey waxaa mudddo lix bilood ka badan ka faa’iideysan doona 175,000 qof oo ku nool Soomaaliya waxaana ay UNICEF u oggolaaneysaa in ay si joogto ah u bixiso ayna kordhiso hawsheeda degdegga ah ee fayadhowrka iyo nadaafadda ee ay ka waddo degsiimooyin ay ku nool yihiin qaar ka mid ah boqolaalka kun ee qof ee ay sanadkan gudihiisa soo barokicisey abaarta iyo kuwa uu saameeyey Shuban-biyoodka Ba’an/Daacuunka dillaacay. Hawlahan waxaa ka mid ahaan doona dhisidda musqulo, qaybinta xirmooyin nadaafadda ka qaybqaata kuwaas oo ay ka mid yihiin kiniiniyada biyaha lagu nadiifiyo, saabuun iyo baaldiyo, koloriin ku-daridda biyaha ganacsi ahaan loo iibiyo iyo dayactirka ilaha biyaha.

Waxaa la qiyaasey in 232,000 carruur ah ay hadda hayso nafaqo-xumo aad u ba’an oo nafta halis gelisa ama ku dhici doonto ilaa sanadka soo socda; maaliyaddan waxaa ay UNICEF u suuragelineysaa in ay soo iibsato ayna degaannada ku sii diyaariso cuntada lagu daaweeyo nafaq-xumada, iyo sidoo kale in ay sameyso baaris si goor hore loo ogaado nafaqo-xumada.

Shuban-biyoodka Ba’an/daacuunka ka dillaacay Soomaaliya sanadkan dhexdiisa ayaa saameeyey in ka badan 75,000 qof waxaase jirta in kasta oo ay si degdeg ah hoos ugu dhacayaan dadka cusub ee uu ku dhacayo, haddana waxaa cabsi laga qabaa in uu soo laba-kacleeyo xilli-roobaadka soo socda. Maaliyadda waxaa loo adeegsan doonaa in lagu soo iibiyo xirmooyin caafimaad iyo daawooyin aasaasi ah, in lagu taageero xarumaha daawenta daacuunka iyo in lagu tababaro kooxaha gurmadka degdegga ah si ay gacan uga geystaan marka cudurku dillaaco.

“Dhibaatooyinka bani’aadamnimada ee Soomaaliya ayaa weli fari ka qondeyn, carruurtana halis ba’an ayaa ay weli ku sugan yihiin,” ayaa uu yiri Wakiilka UNICEF Somalia Steven Lauwerier. “Maaliyaddan deeqsinimadu ka muuqato oo laga heley Dowladda Japan waxaa ay muhiim u tahay hubinta in aan joogteyno waxqabadkeenna ku aaddan abaarta annaga oo badbaadineyna nolosha dadka, daaweyneyna dadka xanuunsan iyo kuwa ay hayso nafaqo-xumada oo sidoo kalena ka hortegeyna faafidda cudurrada iyada oo loo marayo in la helo biyo nadiif ah iyo fayadhowr.”

Ku saabsan UNICEF

UNICEF waxaa ay dhiirrigelisaa xuquuqaha iyo wanaagga ilmo kasta, wax kasta oo aan sameyneyno. Annaga oo kaashaneyna la-hawlgalayaasheenna, ayaan waxaa ka shaqeynaa 190 dal iyo dhul si aan ballanqaadkeenna uga rogno tallaabo-qaad dhab ah, annaga oo diiradda saareyna dadaal gaar ah oo lagu gaarayo carruurta ugu nugul ee aan helin adeegga ay u baahan yihiin, si ay arrintaasi faa’iido ugu yeelato dhammaan carruurta, meel kasta oo ay joogaanba.

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan UNICEF iyo hawsha ay u hayso carruurta ka eeg www.unicef.org/somalia

UNICEF Somalia kala soco Facebook iyo Twitter

Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir:

Susannah Price, UNICEF Somalia, +254 722 719867, [email protected]

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media