Dowladda Jabuuti oo joojisay Duullimaadyada Diyaaradaha Milliteriga Maraykanka ee saldhigga ku leh Jabuuti

Dowladda Jabuuti ayaa amartay in la joojiyo dhamaan Diyaaradaha Milliteriga Maraykanka, kadib, markii ay Diyaaradahaasi khalkhal geliyeen Ammaanka Hawada Sare ee Jabuuti.

Dowladda Jabuuti waxay Qoraal Diplomaasiyadeed u dirtay Maraykanka oo loogu baaqay in la joojiyo duullimaadyada Diyaaradooda

Taliska Dhexe ee Ciiddanka Badda ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey inay Diyaaradaha Milliteriga Maraykanka ku lug lahaayeen 2 Shil oo Isbuuci ihore ka dhacay Jabuuti.

Shilka Koowaad ayaa la sheegay inay Diyaarad Dagaal oo nooceedu ahaa AV 8B HARRIER ku burburtay  Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Jabuuti.

Duuliyihii Diyaaradda ayaa la sheegay inuu ka badbaaday Shilkaasi, kadib, markii uu BAARSHUUD kaga booday.

Diyaarad kale oo ay leeyihiin Milliteriga Maraykanka ayaa si halhaleel ugu degtay Xeebta magaalladda Carta

Dhinaca kale, Dowladda Jabuuti waxay kaloo amar ku bixisay in la joojiyo Carbis Milliteri oo haatan ka socday meel ka baxsan Xeebaha Jabuuti.

 

Si kastaba ha ahaatee, dalka Jabuuti waxa haatan ku sugan ku-dhawaad 4-kun oo Askar Maraykan ah., kuwaasi oo Hawlgalo Duqeyn ah ka fuliya dalalka Somalia iyo Yemen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media