Dowladda Itoobiya oo xabsiga ka siideysay Wariye Boqorka Bartamaha

Wararka aan ka heleyno Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Xabsiga laga siidaayay Wariye Maxamed Aweys Muudeey Boqorka Bartmaha oo mudo 5 sano ka badan ku xirnaa Gudaha dalkaas.

Arintaan ayaa ka dambeysay sida la sheegay dadaal ay sameeyeen madaxda ugu sareysa dalka, waxana la sheegay in Boqorka Bartamaha lala siidayay Muwaadiin kale soo Soomaaliyeed oo halkaasi kula xirnaa.

Maxamed Aweys Muudeey Boqorka Bartamaha ayaa waxaa la xiray bilaawgii Sanadkii 2013,kii, waxaana la filayaa in dhawaan isaga iyo muwaadiinta kale ay yimaadaan Magaalada Muqdisho.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media