Dowladda Ingiriiska oo Kenya Ka Taagereysa Dagaalka Al Shabab

Xoghayaha wasaarada arimaha dibada Boqortooyada Ingiriiska Philip Hammond, ayaa sheegay in xukuumada London ay ka caawin doonto la dagaalanka xarakada Shabab, dowlada Kenya oo dalkeeda ay ka dhaceen weeraro khasaaro ay ka dhasheen.

Philip Hammond, ayaa sheegay in ay u baahan yihiin wada shaqeyn ay la yeeshaan xulafadooda sida dowlada Kenya oo kale si ay u dalacsiiyaan ammaanka, ayaa uu yiri.

Xarakada shabab ee soomaaliya ayaa dalka Kenya, weraro ka geysata tan iyo sanadkii 2011, waqtigaasoo ciidamada dowlada Kenya ay kamid noqdeen askarta nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM.

Tirakoobkii ugu danbeyay ee dowlada Kenya ay soo saarto ayaa waxaa ku cadaa in 1,000 ruux oo iskugu jira Rayid iyo ciidamo in ay ku geeryoodeen weraradii ay Al Shabab ay ka fuliyeen dalka Kenya Afartii sano ee lasoo dhaafay.

Philip Hammond, ayaa dhinaca kale sheegay in xarakada Shabab ay hanjabaad dhanka werarada aha ay shegeen in ay ka geysan doonaan wadamada Kenya iyo Ingiriiska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor