Dowladda Indonesia oo ka hadashay Badmaaxiin ka badbaaday dooni ku degtay Xeebaha Somalia

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Indonesia ayaa maanta xaqiijisay in 12 Badmaax oo Indoneisan ah ka mid yihiin 32-kii shaqaalaha ee la socotay Doonidii Kalluumeysaiga ee dhawaan ku soo caarisay Xeebta Degmadda Eyl ee W/bari Somalia.

War-saxaafadeed uu  Agaasimaha Waaxda Badbaadada ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Indoneisa, Lalu Muhamed Iqbaal maanta soo saaray  ayuu ku sheegay in 12 Badmaaxxiin Indonesian ah la badbaadiyey, kadib, markii ay bilowgii bishan la degtay Dooni Kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Koonfurta Kuurya.

Waxa uu sheegay inay  Safaaradda Indonesia ee magaalladda Nairobi  xiriir la sameeyeen 12 Badmaax ee u dhashay dalka Indonesia, kuwaasi oo haatan ku sugan Hotel ku yaalla Puntland, wuxuuna xusay in laga shaqeynayo sidii loogu soo duulin lahaa magaalladda Nairobi ama ay toos ugu soo ambabixi lahaayeen dalkooda hooyo.

Dhinaca kale,  Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Indonesia, Retno Marsudi ayaa amartay Koox taageero ka geysata sidii loo caawin lahaa Badmaaxiinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor