Dowladda Imaaraadka oo bilowday Dhismaha Saldhigga Milliteri ee laga siiyey Soomaaliland

Shirkadda Divers Marine Contracting LLC ayaa sheegtay inay bilaabeen Dhismaha Saldhigga Ciiddanka Badda Imaaradka ee laga dhisayo magaalladda Berbera ee Waqooyiga Somalia.

Agaasimaha Maamulka Shirkasddaas, Cabdalla Darwiish oo Wareysi lagula yeeshay magaalladda Dubai ayaa sheegay in bishii April ee sannadkan la siiyey Qandaraaska Dhismaha Saldhigga Berbera oo ku kici doonta lacag dhan .90 million oo Dollar

Waxa uu intaasi ku daray in Saldhigaasi  ahayn mid Ganacsi ee uu yahay Saldhig Milliteri oo yeelan doona Garoonka Diyaaradaha Milliteriga.

Mar wax laga weydiiyey Hadafka Garoonkaasi waxa uu tilmaamay inay Maraakiibta Dagaalka ilaalo ka qaban doonaan Gacanka Carbeed.

Magaalladda Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed waxay 200-KM dhanka Koonfurta u jirtaa Xeebaha dalka Yemen, halkaasi oo ay ka hawl-galaan Ciiddanka Imaaaraadka Carabta ee qeybta ka ah Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga.

Dhinaca kale, Cabdalla Darwiish waxa uu xusay in  Saldhigaasi oo laga dhisayo meel ku dhow Dekedda Berbera la  soo gebagebayn doono bisha June ee sannadka soo socda ee 2018-ka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media