Dowladda Imaaraadka Carabta oo dhaqaale ku bixinaysa Dagaal ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo

Wargeyska The New York Times ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray Faallo uu ku lafa-guray Khilaafka ka dhexeeya Guddoomiyaha BFS, Prof. Jawaari iyo Madaxweyne Farmaajo.

Khilaafkaasi waxa uu cirka isku shareeray Arbacadii la soo dhaafay, kadib, markii Xildhibaanadda BFS uu dhex maray Buuq sababi gaaray gacan-ka-hadal hubeysan.

Qalalaasahaasi ayaa laga hortegay, dadaal ay Ciiddanka AMISOM sameeyeen.

Ciiddanka Khaaska ee DANAB ee ay Maraykanka tababareen ayaa loo daad-gureeyey Dhismaha Barlamaanka, si ay u sugaan Ammaanka.

Is-marin-waagii ka taagnaa Dhismaha Barlamaanka waxaa uu dhamaaday, kadib, markii uu Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, PAUL LOKECH uu u kala dab-qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari, si Wada-xaajood loogu dhameeyo Khilaafka Taagan.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu hoggaaminayaa Dowlad aan awood lahayn, taasi oo tijaabinayso culaysyadda Awoodda ee kaga imaanayso 6-da Maamul-gobaleed iyo Xarakadda Alshabaab.

Wargeyska The New York Times waxa kaloo uu qoray inay Xaaladaasi qeyb ka tahay muranka ka dhashay Go’aankii ay Xildhibaanadda ka qaateen Shirkadda DP World ee ay Dowladda Imaaraadka maamusho..

Sannadkii hore, Maamulka la magac baxay Somaliland ee W/Galbeed Somalia waxay heshiis la saxiixdeen Shirkadda DP World, si ay uga hawl galaan Dekedda magaalladda Berbera.

Heshiiska Somaliland iyo DP World waxay noqotay Muran Calaami oo ku soo biirtay Muran-siyaasadeedkii Gudaha Somalia.

Muranka Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka kala dhexeyo Dowladda Qatar ayaana sii ololinaysa Faragelintaasi, iyadoo Dowladda Qatar la tuhunsan yahay inay taageero Maaliyadeed oo ballaaran ku bixisay guushii uu  Madaxweyne Farmaajo ka gaaray Doorashadii Madaxtinimadda ee dhacday sannadkii hore.

Dhinaca kale, Cilmi-baare Sare Joshua Meservi, oo ka tirsan Hay’adda “ The Heritage Foundation oo la hadlay Wargeyska The New York Times ayaa sheegay inay Dowladda Imaaraadka u ololaynayso Dagaal ka dhan Madaxweyne Farmaajo oo horey u diiday Tallaabadda ay Sacuudiga iyo Imaaraadka ku go’doomiyeen Dalka Qatar.

Si kastaba ha ahaatee, Galaangalka Dowladda Imaaraadka ku leedahay Arrimaha Gudaha Somalia ayaa u fududeynayso inay daaha gadaashiisa wax ka maamulaan, maadaama ay gacan-saar iyo wada-shaqeyn la leeyihiin Madaxda Dowlad-gobaleedyadda iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo laga yaabee xubno ka tirsan Golayaasha DFS.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media