Dowladda Iiraan oo sheegtay inay Kenya ka taageerayso La-dagaalanka Alshabaab.

Danjiraha cusub ee Dowladda Iiraan uga wakiilka ah dalka Kenya, Hadi Farajvnda ayaa xaqiijiyey inay Dowladiisa taageerayso dadaalka Dowladda Kenta kula dagaalamayso Alshabaab.
Danjiraha ayaa hadalkaasi ku sheegay, kadib, markii uu Khadka Telefoonka kula xiriiray Afhayeenka Aqalka Senedka ee Kenya, Ekwe Ethuro, wuxuuna kala hadlay Weerarkii Askarta Kenyanka ee lagu dilay gudaha Somalia.

Wargeyska Maalinlaha ee The People ayaa qoray in Ambassador Hadi Farajvnda sheegay inay Dowladiisa sii wadayo Taageeradda Kenya, kadib, weerarkii Alshabaab ku dileen Askar Kenyan ah.
“Dowladda Iiraan waxay diyaar u tahay inay Khibradooda u so ogudbiyaan Kenya, taasi oo waxtar ballaran u noqnayso Kenya oo ay weeraro uga imaanayaan Alshabaab” ayuu yiri Danjiraha Iiraan.

Wuxuuna intaasi ku daray in loo baahan yahay inay Kenya wax badan ka bartaan Iiraan oo uu sheegay inay dalka Sacuudiga kala kulmaan weeraro caddowtooyo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Danjiraha Iiraan waxa uu ugu baaqay Dowladda Kenya inay ka feejignaadaan si aan dhibaatooyin looga dhex abuurin labada Dowladood ee Iiraan iyo Kenya.
©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor