Dowladda Iiraan oo gacanta ku dhigtay Markab siday Shidaal

Ilaalada kacaanka Iran ayaa shaaciyay in markabka ay ku qabteen gacanka khaliijka,kadib markii lagu eedeyay in uu tahriibinayey shidaal.

Korneyl ka tirsan Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in 11 ka mid ah shaqaalihii markabka ajnabiga ay leeyihiin la xiray.

Korneylka ma uusan sheegin magaca dalka laga leeyahay markabka iyo xilliga ay gacanta ku dhigeen.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee dhacdooyiin is xig-xigay oo ka dhacday gacanka khaliijka, halkaas oo dhawrkii sano ee la soo dhaafay lagu weeraray maraakiib ama la qabsaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor