Dowladda Iiraan oo beenisay inay Somalia ku faafiyaan Mad-habta Shiicadda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Islaamka Iiraan, Xuseen Jaabir Ansaari ayaa hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo Toddobaadle ah oo uu shalay ku qabtay caasimadda dalkaasi ee Tehran.

Afhayeenka waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan waxba ka jirin in Muwaadiniinta Iiraan ee lagu xiray Somalia faafinayeen Aydhoolajiyadda Shiicadda “Shia Ideology”, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray in dadkaasi loo xiray Is-fahamid la’aan, wuxuuna sheegay inay Safaaradda Iiraan ka codsatay Xukuumadda Somalia inay faahfaahin ka bixiyaan Xariga Muwaadiniinta Iiraan ee lagu xiray Muqdisho.

Hadalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan ayaa yimid, kadib, markii ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Somalia (NISA) isbuucii xireen 2 nin oo Iiraaniyiin ah, kuwaasi oo lagu soo eedeeyey inay faafinayeen Mad-habta Shiicadda.

Hadal qoraal oo uu soo saaray Taliyaha Nabadsugidda ee Gobalka Banaadir ayaa lagu sheegay in Labadaasi qof ku xadgudbeen Marti-gelintii la siiyey, isla markaana ay  faafinayeen Mad-habta Shiicadda.

Labadaasi nin waxay sheegteen inay yihiin Diplomaasiyiin ka hawlgala Safaaradda ay ku leeyihiin Somalia, balse waxaa la ogaaday inaysan ahayn Diplomaasiyiin, kana diiwaan-gashanayn Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federalka.
iran2

iran3

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor