Dowladda Finland oo jartay Lacagaha Taageeradda ama Cayrta ee la siin jirey Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa kale

Idaacadda Qaranka  dalka Finland ee Yle waxay baahisay  inay Dowladda jartay ku-dhawaad 10% Dhaqalihii lagu taageeri jirey Qoysaska Qaxootiga marka loo qiyaaso dhaqaalihii la siin jirey tan iyo sannadkii 2009-kii.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka ee Finland, ayaa sheegay  inay Qoysaska magangelyo-doonka haatan helaan 1,140 Euro bishiiba, iyadoo Kharajkaasi aanu dabooli karin baahida, iyadoo ay qiimaha nolosha ee dalkaasi sare u kacday.

Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Jirma Kuuluveinen ayaa sheegay in taageeradaasi lagu saleeyey si ay qoysaska uga daboolaan  qiimaha nolosha, sida cuntada, dhar iyo Adeegyadda Nadaafadda.

Dhinaca kale, Waaxda Socdaalka ee dalka Finland (The Finnish Immigration Service) waxay sheegtay inay kordhayaan tiradda Qaxootiga imaanayo dalkaasi tan iyo dabayaaqadda sannadkan.

Wuxuuna sheegay in la filanayo Qaxooti cusub oo tiradoodu dhan tahay 4,121 Magangelyo-doon oo badankooda ka soo kala jeeda dalalka Somalia iyo Iraq.

Sannadkii hore, dalka Finland waxaa iska dhiibay 3,651 Qaxooti Magangelyo-doon ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor