Dowladda Federalka oo uga mahadcelisay Dowladda Imaaraadka Kharajka loo ururinayo dadka ku macluulsan Somalia.

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Somalia ee dalka Imaaraadka Carabta, Maxamed Ibraahim ayaa hadalkaasi ku sheegy Wareysi uu siiyey Wargeyska “The National” ee ka soo baxa magaalladda Dubai, wuxuuna tilmaamay inay Dowladda Somalia ka mahad celinayso Shaqadaasi Samafaleed.

Dowladda Imaaraadka ayaa qabanqaabisay Qaaran-ururin dhan 165 million oo Dollar oo loogu taageerayo dadka ku macluulsan gudaha Somalia.

Qaaraan-ururintaasi waxay muddo 5 saacadood ka socotay Telefishinadda dalkaasi, iyadoo uu Madaxweynaha dalkaasi,  Sheekh Khaliifa Bin Zaayid Bin Suldan ku dhawaaqay Gargaarka loo ururinayo dadka Soomaalida ee macluulsan.

Dadka ku nool Imaaaraadak waxay iska ururinayaan Kaalmooyin isugu jira Lacag, Cunto, Biyo, Daawo iyo waxyaabaha kale ee lagu gargharayo dadka nool Goballadda ay Abaaruhu saameeyeen.

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Somalia ee dalka Imaaraadka Carabta waxa uu tilmaamay Kaalmadaasi lagu fulinayo  Ceelal laga qodayo Bartamaha Somalia.

Waxa uu sheegay inuu Somalia tegay dhowr bilood ka hor, isla markaana uu goobjoog u soo noqday Dhacdooyinka Tiiraanyadda leh ee ka jira Goballadda ay saamaysay Abaaraha iyo Macluusha.

“Boqolaal carruur ayaa u dhimanayo iyago oaan haysanin biyo nadiif ah, waxaa faafayo cuddurada, iyadoo Haweenka iyo Carruurta yihiin kuwa ay sida xooggan waxyeelladda ugu dhacday” ayuu yiri Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Somalia ee dalka Imaaraadka Carabta.

Waxa uu intaasi ku daray inay Carruurta 10% saddexdii isbuuc u geeriyoodaan Shuban, gaar ahaan Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Sida laga soo xigtay QM, ku-dhawaad 360,000 oo carruur Somalia ayaa la dhibaataysan Nafaqo-xumo, iyadoo kala bar in ka badan 12 million oo Somali ah khatar ugu jiraan Macluul.

Si ksataba ha ahaatee, Waa Macluushii 3-aad ee Somalia ka dhacda 25-kii sanno ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media