Dowladda Federalka oo sheegtay in muranka xuduud-baddeedka ee Kenya lagu kala bixi doono Maxkamadda ICJ

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Somalia ayaa soo saartay War-saxaafadeed ku aadan hadal ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed oo ay ku sheegtay inay Dowladda Somalia oggolaatay inay dhexdooda xal ka gaaraan muranka dhinaca xuduud-baddeedka oo ay Somalia horey ugu gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garoorka (ICJ) oo Xarunteeda ku taallo magaalladda The Hauge ee dalka Holland.

Nuqul ka mid ah War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Somalia oo la soo gaarsiiyey Idaacadda Dalsan ayaa waxa uu u qornaa sidatan:-

Maalmihii ugu dambeeyay , warar ay warbaahintu faafisay oo tilmaamayay in Kenya iyo Somalia ay ku heshiiyeen in ay kala gar-qaataan ,iyadoo aan la marin Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobey ,taasi oo macnaheedu yahay in labada dal ay ku kala baxaan Maxkamad la’aan.

Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go’an tahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).

Maalgelinta caalamiga , barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah waxa uu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan , waxaanan u taagannahay ,kuna adkeysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay.

Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay .

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor