Dowladda Federalka oo loogu deeqay Malaayiin Dollar tallaabadii ay xiriirka ugu jareen Iiraan.

Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegtay inay Dowladda Sacuudiga ugu yaboohday Dowladda Somalia lacag dhan 50-million oo Dollar, hal maalin kadib, markii ay Dowladda Somalia ku dhawaaqday inay Xiriirka Diplomaasiyadeed u jareen Dowladda Iiraan.

REUTERS ayaa sheegtay inay arkeen Dukumenti ay Safaaradda Sacuudiga ee magaalladda Nairobi u direen Safaaradda Somalia ee Nairobi, taasi ooDowladda Somalia loogu ballanqaaday in la siinayo 20 million oo Taageero dhinaca Miisaaniyadda ah iyo 30-million oo Dollar oo loogu talagalay Maalgelinta Somalia.

Labadaasi Ballanqaaad ayaa la sheegay inay ka timid Hay’adda Sacuudiga ugu qaabildan Horumarinta “The Saudi Development Fund”, iyadoo Somalia haatan ka soo kabanayso Burburkii iyo dagaalladdii sokeeye.

REUTERS waxay sheegtay in Dukumentigaasi uu ku taariikheysnaa bishan Janaayo 7-dii, oo ku beegnayd maalintii ay Dowladda Federalka Xiriirka Diplomaasiyadeed u jartay Dowladda Iiraan oo ay Dowladda Sacuudiga ficiltamaan.

Dhinaca kale, Dowladda Federalka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa la sheegay inay ka gaabsadeen mar ay Wakaalladda REUTERS wax ka weydiisay Taageeradaasi Dhaqaale.

Xigasho: REUTERS

©Radio Dalsan             

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor