Dowladda Federalka oo loogu baaqay inay ka hadlaan Cabsi-gelinta iyo Weerarka lagu hayo Suxufiyiinta.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay inay Dowladda Federalka ka hadlaan Hanjabaadaha iyo weeraradda lagu hayo Suxufiyiinta, iyadoo muddo dheer caburin iyo cabasi lagu hayey Xorriyadda Saxaafadda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la dhiiri-geliyo Saxaafadda Madaxa-bannaan si ay uga hadlaan Qoddobadda muhiimka, sida Musuqa iyo Ammaanka iyo in dib loo eegaa Sharciga Saxaafadda, lagana dhigo mid Heer Caalami ah.

HRW waxay kaloo Dowladda Federalka ugu baaqday in si buuxda loo baaro Cabsi-gelinta iyo Weeraradda ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo in la dhiso Golaha Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

“Saaxiibadda Caalamka ee Somalia waa inay taageeraan Isbedelladda muhiimka ee loogu talagalay horumarinta Garsoorka ee Tacadiyadda Khatarta  iyo keenista Isbedel micno leh ee Somalia” sidaasi waxaa tiri Laetitia Bader oo ah Cilmi-baaraha HRW ugu qaabilsan Qaaradda Afrika oo wax ka qortay Warbixinta ay Hay’adda ka soo saartay Arrimaha Somalia.

 

Waxay intaasi ku dartay in Taageeradda Tooska ee Beesha Caalamka horseedo in la soo af-jaro Tacadiyadda ka dhanka ah Dadka Ryidka, dhismaha Ciiddanka Ammaanka oo lala xisaantami karo iyo inay Dowladda taageertaa Bulshadda inta badan la hayb sooco ama la quursado.

Dhinaca kale, HRW waxay ugu baaqday Dowladda Federalka inay caddeeyaan Awoodaha Sharciga ee Ciiddanka Ammaanka iyo in la kormeero, si  xal loogu helo Xadgudubyadii Hay’adda NISA, waa sida lagu xusay Warbixinta Hay’adda Human Rights Watch oo lagu soo beegay Shirka looga hadlayo Ammaanka Somalia ee bishan May 11-daa lagu qaban doono magaalladda London.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media