Dowladda Federalka oo loogu baaqay inay Dhallinyarada loo abuuro shaqaooyinka, si loogu guuleysto Dib-u-curashadda Somalia

Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Maaman Sidikou ayaa  hadalkaasi ku soo beegay Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Caalamka oo maanta loo dabaal-degayo.

Maaman Sidikou waxa uu ku booriyey Dhallinyarada  Soomaalida inay noqdaan kuwo u dhiifoon baahida iyo danaha dalkooda hooyo, loona  baahan yahay in la maqlo codkooda si loo xaqiijiyo dadaalka loogu jiro soo-celinta Nabadda  iyo Deganaanshaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in ay Dhallinyarada taageero ka geystaan Xaqiijinta Hiigsiga Cusub ee Somalia ee sannadka soo socda.

Maman Sidikou waxa uu kula dardaaramay Dhallinyarada inay ka feejignaadaan qorshe kasta oo  Dhaqdhaqaaqa Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay xooggooda iyo maskaxdooda ugu adeegaan sidii Somalia looga dhigi lahaa meel wanaagsan oo lagu noolan karo.

Dhinaca kale, Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Maaman Sidikou waxa uu ka codsaday Dowladda Federalka inay dejiyaan qorshe Dhallinyarada loogu abuurayo shaqooyin iyo inay kaalin ka qaataan Horumarinta dalka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dadka Soomaalida oo tiradooda guud lagu qiyaaso 12 million oo qof waxay 80% yihiin Dhallinyarro.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor