Dowladda Federalka oo loogu baaqay dhowridda Xorriyadda Hadalka iyo Saxaafadda Madaxa Bananaan

Khabiirka Madaxa Bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee dalka Somalia,Bahame Mukirya Nyanduga ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu dhamaystay socdaal hawleedkiisa labaad oo uu ku yimaado dalka Somalia.

Khabiirka waxa uu tilmaamay in Suxufiyiinta Soomaalida mararka qaarkood la xiray, la jir-dilo, la baaro, isla markaana Xarumaha Warbaahinta albaabadda loo laabo.

“Shilalka noocaasi waxay dhaawaci karaan xuquuqda Asaasiga, gaar ahaan xilligan oo ay Somalia u dhaqaaqday dhamaystirka dadaalka lagu dhisayo Dowladnimadda” ayuu yiri Khabiirkaasi oo ka digay tacadiyadda loo geysto Suxufiyiinta Somalia.

Khabiirku waxa u uugu baaqay Dowladda Federalka inay meel isugu keento Jadwalka Shaqo ee Sharciga damaanad qaadayo Xorriyadda Warbaahinta, lana joojiyo cabsi-gelinta, xabsiga iyo tacadiyadda loo geysto Suxufiyiinta.

Khabiirka Madaxa Bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee dalka Somalia,Bahame Mukirya Nyanduga oo muddo 8 maalmood booqasho ku joogay magaalladda Muqdisho ayaa  ku booriyey Dowladda Federalka in wax laga qabto tababr-darrida Hay’addaha Ammaanka iyo Cadaaladda iyo badbaadinta dadka rayidka, gaar ahaan dadka ku nool xeryaha dadka bara-kacayaasha .

Khabiirka ayaa la filayaa inuu bishan September Warbixin u gudbiyo Golaha Xuquuqda Aadanaha oo uu kaga hadli doono Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

Dhinaca kale, xubnaha Golaha Guud ee QM ayaa la filayaa inay sannadka soo socda dib u eegaan Diiwaanka Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

Xigasho:- UN News Center

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor