Dowladda Federalka oo ka codsatay Dowladda Morooko Taageero dhinacyadda Ammaanka iyo Sirdoonka

Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyadda Moroko, Salaaxudiin Mezeruur kula kulmay Shir-madaxeedka 13-aad ee Dowladaha Islaamka uga socday magaalladda Istanbuul ee dalka Turkiga.

Ra’isul-wasaaruhu waxa uu tilmaamay inuu dalka Somalia soo wajahay dagaal dheer oo ay kula jiraan Alshabaab, wuxuuna Dowladda moroko ka codsaday Taageero kasta oo la xiriira Hawlaha Ammaanka iyo Airdoonka iyo sidii loo qaadi lahaa Hawlo Khaas ah.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyadda Moroko, Salaaxudiin Mezeruur oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu tilmaamay inay Morooko danaynayso Deganaansha Somalia iyo in laga guuleysto Kooxaha Xag-jirayaasha ee caqabadda ku ah Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in Boqorka dalka Moroko, Maxamedka Lixaad uu had iyo jeer ku hawlan yahay sidii Taageero u siin lahaa Somalia iyo Horumarinta Awoodaha lagama maarmaanka ee Dib-u-dhiska Somalia.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyadda Moroko, Salaaxudiin Mezeruur waxa uu sheegay inay Dowladda Somalia kala saxiixan doonaan Heshiis dhinaca Ammaanka, si ay Hay’addaha Ammaanka Somalia taageero uga siiyaan Hawlgalladda lagu xoojinayo Ammaanka Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor