Dowladda Federalka oo difaacayso Danaha Qaranka iyo Mamaulka Puntland oo isbaaro-siyaasadeed maleegayo

Waagii baryaba eedeymo iyo ficiltan siyaasadeed ayey nolol-maalmeed ka dhigteen Maamulka Puntland, waxayna si joogto ah u mucaaradaan Dowladda Federalka, halkii ay ku taageeri lahaayeen Halganka loogu jiro Dowlad-wanaagga iyo Difaaca Himiladda iyo Danaha Qaranka.

Xeeldheerayaasha Siyaasadeed ayaa maskax-daal ba’an ka qaaday ujeedada dahsoon ee uu Madaxweynaha Puntland had iyo jeer u soo hindiso Mashruuc lagu mucaaradayo Waxqabadka Dowladda Federalka.

Waxaana la isweydiinayaa hadafka Gaas ma waxa uu doonayaa inuu dadka Puntland geliyo dagaal-siyaasadeed iyo mid deegaameed? Mise waxa uu leeyahay Ajendo Dahsoon oo ay Shisheeye u meerinayaan?

Siyaasiyiinta Waddaniyiinta Puntland ayaa shaki ka qaba in nacaybka uu Madaxweyne Gaas abuurayo uu uga dan leeyahay inuu Ummadda Puntland ku hoggaamiyo in laga go’o Jamhuuriyadda Somalia,  waxaase ku habboon inuu ku tusaale qaato in Timirtii hore dab loo waa’.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu  C/weli Gaas calaw-siyaasadeed abuuro marka ay Dowladda Dhexe iyo Maamul-gobaleedyadda gaaraan Horumar, wuxuuna u muuqdaa Siyaasi ka gaagaxsay Dhismaha Maamul-gobaleedka Galmudug.

Xeeldheerayaasha waxay kaloo isweydiiyaan Maxaa ka qaldan C/weli Gaas ? Ma waxa ku jira Damac Maamul oo Heer Qaran? Mise waxay xaalladu tahay cadyahow ku cunay ama ku ciideeyey oo kale ?

Waa su’aal siyaasadeed madaxa daalinayso, loona baahan yahay in si taxadir leh loo dhiraandhiriyo.

Waxaana taasi laga dheehan karaa qaabka ay xiisaduhu u taagan yihiin, waxaana uu ka dhega adeegay Baaqyadda Kalsamida Siyaasadeed iyo midda Walaaltinimo ee uu Madaxweynaha Galmudug ugu sheegay inuu diyaar u yahay in wada-xaajood nabadeed lagu xaliyo khilaafka taagan, oo haddii laga fursan waayana lagu kala baxo Dastuurka Qaranka.

Laakiinse, C/weli Gaas wax debecsanaan ah kama muujinin arrinkaasi, wuxuuna weli u xusul-duubayaa inuu Reer Puntland ku awr-kacsado Qaddiyad aan jirin.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in xilligan loo baahan yahay in Dowladda Federalka lagu garab galo sidii looga miro dhalin lahaa Qaddiyadda Qaranka, gaar ahaan sidii loogu guuleysan lahaa Dacwadda muranka xuduud-baddeedka ee ay Dowladda Kenya boobayso.

Siyaasi kasta oo Waddani ah waxaa ku habboon inuu meel iska dhiso Danahiisa iyo Danaha Maamulkiisa, isla markaana loo soo wada jeesto sidii Aragti Mideysan loogu wajihi lahaa sidii loo difaaci lahaa boobka ay Dowladda Kenya ku hayso badda iyo berriga Somalia.

Dowladda Federalka waxaa u qorsheyna inay bishan 13-da dacwadda Kiiskaasi u gudbiyaan Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ oo xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda The Hague ee dalka Holland.

Waxaana  lagu madalsan yahay inay Maxkamadda ICJ bisha March ee sannadka soo socda dhegeysato Kiiskaasi, si Somalia iyo Kenya loogu kala gar-qaado.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Puntland kala dhexeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamulladda kale waxaa habboon in meel la iska dhigo, loona soo wada jeesto Danaha Qaranka, waxaana Kaaf iyo Kala dheeri ah in iyadoo ay Dowladda Federalka difaacayso Danaha Qaranka inay Maamulka Puntland maleegaan Isbaaro-siyaasadeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor