Dowladda Federalka oo beenisay inay shaqaalihii Masaarida ku xiran yihiin Xabsi ay QM ku leedahay Garoonka Muqdisho.

Afhayeenka Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka, Md. Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa si kulul u beeniyey war lagu qoray Shabakadda Wararka ee albawabhnews.com oo lagu sheegay in Shaqaalihii Masaarida ku xiran yihiin Xero ay QM ku leeyihiin Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka oo Wareysi Khaas ah siiyey Idaacadda Radio Dalsan ayaa sheegay inuusan sal iyo baar lahayn Wararka lagu sheegay in Shaqaalihii la socday Diyaaraddaas ku jiraan gacanta QM iyo inay QM xabsi ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalladda Muqdisho.

“QM gacanta kuma hayaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, mana aha Garoonkaasi meel lagu ciqaabo dadka” ayuu yiri Afhayeenka Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka oo intaasi ku daray inay Dowladda Somalia xor tahay, kana madax bannaan QM.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Lixda Shaqaalaha Masaarida inaysan u xirnayn QM, isla markaana  la sii dayn doono marka la soo gebagebeeyo Baaritaanadda haatan socda.

Afhayeenka Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka, Md. Maxamed Yuusuf Cismaan waxa kaloo uu ku nuuxnuuxsaday inay Dowladaha Somalia iyo Masar ka wada hadleen Dhacdadaasi, isla markaana ay is-faham ka gaareen shilkaasi.

Dhinaca kale, Afhayeenka Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka, Md. Maxamed Yuusuf Cismaan waxa uu kulul u naqdiyey Wargeyska albawabhnews.com ee ka soo baxa dalka Masar, kuna tilmaamay Saxaafad Seef-la-bood ah oo ka been sheegtay Xaqiiqda dhabta ee ay ku sugan Lixda Shaqaale ee la socday Diyaaraddii Xamuulka.

Diyaaradda burburtay oo ay leedahay Shirkadda Tri-Star waxa uu burbur xooggan ka soo gaaray isku-daygii ay ku degtay meel 20-Km u jirta magaalladda Muqdisho, kadib, markii ay dhowr jeer ku fashilantay inay ku degto Garoonka Caalamiga ee Muqdisho. Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Air bus 300 waxay Shixnad Xamuul oo loogu talagalay Hawlgalka AMISOM ka soo qaaday Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Ostend ee dalka Belgium.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor