: Dowladda Federalka ma dadaal yara, laakiinse Hantida Qaranka looma hayo garowshiyo

Waa hubaal in Dowladda Federalka Somalia uu Xilligu  ka sii idlaanayo, inkastoo ay Madaxda Dowladda haatan u muuqdaan  kuwo sii laba kaclaynayo, oo muujinayo inay daacad u yihiin dadka iyo dalka.

Muddadii ay jirtay Dowladda Federalka waxaa lagu sifeyn jirey Dowlad Fadhiid ah, oo weliba galti ku ah Maamulka Dowladnimo, kuna mashquulsan Safar Dibadeed iyo Kharaj lagu dhurayo weel duleelo.

Weji-gabax Siyaasadeed ayeyna kala kulmeen Beesha Caalamka, oo iyagu bilaabay inay Khasnadooda iyo Albaabkii Samafalka ka soo xiraan Dowladda, iyadoo Somalia kaalimaha ugu hooseeya ee dalalka uu musuqa la degay.

Weli waa jiraan dhaliilo, inkastoo aysan sidii hore u baaxad lahayn, haatan waxaa la saluugsan yahay oo keliya mushaar la’aanta ay Ciiddanka iyo Shaqaalaha Dowladda ka walaacsan yihiin.

Waa Mashaqo Siyaasadeed iyo Fadeexad, haddii ay Dowladi tahli kari weydo inay bixiyaan mushaarka Ciiddamadda iyo Shaqaalaha Rayidka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan dhaqaale-xumo jirin, balse ay jiraan maamul-xumo iyo curyaamin kale, oo malaha Tallaabsiga Dowladda lagu dabrayo.

Xanta Siyaasadeed ee Shaaraca yaalla ayaa muujinaya inay socdaan hab-dhaqanka gurracan ee lagu malabsanayo Boolida Qaranka, waxaana ayaan-darro ah inuusan jirin hal mas’uul ama hawlwadeen oo ay ku soo baxday Xisaab Xili Ma Leh.

Madaxda Hay’addaha dabagalka Hantida Qaranka ayaa u muuqda inay hayaan eedeymo badan oo Xatooyo Xoolo Qaran, balse, ujeedo dahsoon ayaa si xaal-mastuur ah loogu xaliyaa Madaxda ku sifowday hab-dhaqanka Boolida Qaranka.

Waa naadir Kiisas ay Maxkamadaha Heerka Degmo ilaa Qaran oo ay hal mar ku qaadeen Xatooyo Xoolo Dadweyne, iyadoo taasi micnaheedu ahayn inaysan jirin mas’uuliyiin dufanaysi ku haya Hantida Qaranka.

Laakiinse, xaalladaha taagan ayaa ka markhaati kacayo inay naadir yihiin Mas’uuliyiinta nadiifka ka ah inay ku tallax tagaan Hantida Qaranka.

Barlamaanka Federalka ayaa iyagana lagu tilmaami karaa kuwo gabay Kaalintooda Asaasiga, isla markaana aysan indha-indheyn ku haynin Hab-dhaqanka Madaxda iyo Hantida Qaranka.

Taariikhda laguma hayo iyadoo ay Xildhibaanaddu soo hadal-qaadaan in Xeer Adag laga dhigo in Mas’uul kasta intaan loo codeynin ama Xil Qaran loo dhiibin in wax laga weydiiyo Hantida uu leeyahay, gaar ahaan hantida ma-guurtadda, si marka uu Madax noqdo lagu dabacgeli karo Hantida uu ka tacbanayo Qaranka.

Haddaynu Kaftan Siyaasadeed ku baraxno Maqaalkeenna, waxaa hubaal ah in marka dib loo raaco Mas’uuliyiinta haatan wada naaxay inaysan waxba haysanin markii loo dhiibayey Xilka Qaranka.

Imisaa la og yahay inay shiid ahaayeen, oo xitaa magaalo-joogoodu ahaa shaxaad, balse iminka muuqaalkooda isbedelay, maadaama ay ehel u noqdeen Xisaabtan La’aan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah haddii uu  Xisaaabtan Qaran yimaado inaysan Dowladda garowshiyo u heli karin Mas’uuliyiin badan oo ku naaxayo Boolida Qaranka.

© Radio Dalsan