Dowladda Faransiiska oo Safiir Cusub u soo Magacaabatay dalka Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta kaga guddoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda France u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Antoine Sivan.

Qaabilidda Safiirka cusub kadib, waxaa Wasiiru dowluhu la yeeshay kulan gaar ah Danjire Antoine Sivan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal , xaaladihii ugu dambeeyay gobolka iyo arrimaha ammaanka.

Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo France uu si rasmi ah u bilowday waqti yar kadib gobonnimada 1960.

Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya France xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi iyo dano wadaag.

Munaasabadan kooban ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha joogtada KMG ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Cali Maxamed Cali, Agaasimayaasha Waaxyaha habmaamuuska, Yurub iyo Ameerika.

Somaliya ayaa hadda waxaa ku soo qul-qulaya safiiro badan oo dalalka caalamka ah, taasi oo muujinaysa guusha dhanka diblumaasiyadda ah ee Somaliya ay gaartay.

 Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media