Dowladda Ethiopia oo u digtay Maamul-gobaleedka Soomaalida ku nool dalkaasi

Hadal ka soo baxay  Dowladda Federalka Ethiopia ayaa waxa looga digay Maamul-gobaleedka Soomaalida Ethiopia inuu joojiyaan Farriimaha xiisadda dhalin kara ee ka dhanka ah Qowmiyadda Oromada.

Sida aynu ka soo xiganay Wargeyska Addis Abeba waxay Dowladda Ethiopia si gaar ah ugu digeen Madaxa Isgaarsiinta ee Maamulkaasi, Idris Ismaaciil Cali, kaasi oo la sheegay inuu Bartiisa Facebook-ga ku qoro Farriimo la xiriira Colaadda ka dhexeysa Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada wada deggan Bariga dalkaasi.

Qoraalka ka soo baxay Dowladda Ethiopia ayaa lagu xusay in Farriimaha lagu qoro Baraha Bulshadda ay yihiin kuwo ka hor imaanayo Digniintii ay Dowladda Ethiopia ugu baaqday dhamaan Labada dhinac inay joojiyaan wax kasta oo hurin kara Dagaal kale.

Digniintan ayaa timid, kadib, markii uu Madaxa Isgaarsiinta ee Dowlad-gobaleedka Kilinka 5-aad ee Ethiopia, Idris Ismaaciil Cali uu bishan October 5-dii ku daabacay Bartiisa Facebook-ga, taasi oo uu Hal-ku-dheg uga dhigay “Dagaalka Dadka Oromada waxay kaga soo horjeedaan Soomaalida Ethiopia”.

Arrintan ayaa timid, kadib, markii Qowmiyadaha Soomaalida iyo kuwa Oromadda bishii hore ku dagaalameen Bariga Ethiopia, waxaana iska horimaadkaasi lagu dilay in ka badan 60-qof, iyadoo boqolaal kale ku barakaceen.

Xigasho : Addis Standard

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media