Dowladda Ethiopia oo ka hadashay Isbedelka Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir-sannadeedka Safaaradaha iyo Diplomaasiyiinta Ethiopia ku leeyihiin Caalamka oo lagu qabtay Hotelka Ghion ee magaalladda Addis Abeba, wuxuuna sheegay in isbedel laga dareemayo Siyaasadda iyo Ammaanka ee dalka Somalia.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in Shirweynihii 53-aad ee Golaha Wasiiradda ee Dowladaha ku jira Urur-gobaleedka IGAD ee lagu qabtay magaalladda Muqdisho muujinayso in sannadkan isbedel wanaagsan laga dareemayo xaalladda Siyaasadda iyo Ammaanka ee Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in uu Shirka Wasiiradda ee IGAD tilmaam u tagay caddaynta xaalladda Somalia, iyo inay Somalia u furan tahay Ganacsiga Caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom waxa kaloo uu soo hadal qaaday Heshiiskii ay Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka KMG ee Jubbaland ku saxiixdeen magaalladda Addis Abeba, wuxuuna xusay inuu dadaalkaasi yahay dhabaha saxda ee Dhismaha Nidaamka Maamul-gobaleedka.

 

“Heshiiskaasi oo ay Dowladda Ethiopia taageertay waa tallaabo muhiim ah oo horseedi karta inuu Maamulka Jubbaland  keeno Nabad”  ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Saraakiisha Ethiopia ku hawlan yihiin sidii loo mideyn lahaa Siyaasiyiinta Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo, oo iyagu haatan ku guda-jira shirar iyo Xil-wareejin ay hayinka u hayaan Saraakiisha Ethiopia iyo kuwa Urur-gobaleedka IGAD.

Xigasho: mfa.gov.et

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor