Dowladda Ethiopia oo faahfaahisay sababaha ay Ciiddankooda u joogaan Kismaayo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Federalka Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inay Ciiddankooda u joogaan Kismaayo, si ay Ciiddanka Dowladda Somalia gacan uga siiyaan Hawlgalka loogu magac daray: Hawlgalka Dooxadda Jubba” ee ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab.

Sida uu baahiyey Telefishinka Ethiopia  ee ETV waxa uu Wasiirka hadalkaasi ka jeediyey mar uu Ra’isul-wasaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke shalay kula kulmay magaalladda Kismaayo, oo ay ka wada hadleen Dagaalka Alshabaab looga saarayo Deegaanadda ay kaga sugan yihiin Goballadda Jubbooyinka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia waxa uu carrabka ku dhuftay inay Alshabaab khatar ku yihiin dalalka Gobalka, gaar ahaan dalka Ethiopia, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid ayaa kaga mahadceliyey Dowladda Ethiopia taageeradda ay ka geysanayaan soo-celinta Deganaanshaha Guud ee Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Federalka Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus oo haatan booqashadiisa Labaad ku jooga magaalladda Kismaayo, waxa uu dhawaan Kulan la yeeshay Saraakiisha hoggaaminaysa Ciiddanka Ethiopia ee dhawaan la geeyey Kismaayo, kuwaasi oo haatan tiradoodu dhan tahay 300-Askari.

©Radio Dalsan          

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor