Dowladda Eritrea oo Wafdi u dirtay Itoobiya

Wafti ka socda dalka Eritrea ayaa maanta waxa ay gaareen dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia si wada-hadallo taariikhi ah, oo soo afjari kara mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa ee qaaradda Afrika ee labadaasi dal dhex maray.

Wafdi oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Ertrea Yemane Gebreab,ayaa waxaa soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa toddobaadkii tagey ballanqaaday inuu wafti u dirayo Ethiopia.

Ballanqaadka Afwerki ayaa jawaab u ahaa mid hore oo uu sameeyey ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee Ethiopia Abiy Ahmed, kaasi oo sharfaya heshiiskii ay labada dal kala saxiixdeen sanaddii 2000 ee lagu soo geba gebeynayey dagaal xudduuda ka socday laba sano.

Ethiopia ayaa muddo diidaneyd inay aqbasho qodobada heshiiskaas, oo ay ku jirtay inay ka baxdo magaalada xuduudda ku taal ee Badme.

Eritrea oo horey u ahayd gobol ka tirsan Ethiopia, ayaa go’day sanadii 1993-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor